Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa sheegay in Mareykanka ay tahay inay ixtiraamto danaha Ruushka, isla markaana aysan ku riixin hoggaamin ama awood keli-talisnimo haddii ay rabto iskaashi dhab ah.
Lavrov ayaa xusay in saraakiisha Maraykanka ay ku cadaadinayaan Moscow inay tanaasul ka samayso xaaladda Ukraine, iyagoo ballanqaadaya fursado dhaqaale oo waaweyn oo mustaqbalka ah.
“Saaxiibadayada Maraykanka waxay nagu leeyihiin aan hadda xallinno arrinta Ukraine, eeg halka aad tanaasul ka samayn karto, ka dibna fursado dhaqaale oo aad u ballaaran ayaa naga dhex furmi doonta,” ayuu yiri Lavrov.
Si kastaba, wuxuu sheegay in isla waqtigaas Ruushka laga saarayo suuqyada tamarta caalamka, isagoo ku eedeeyay Washington inay si cad u dooneyso inay hoggaamiso tamarta dunida.
Wuxuu intaas ku daray in arrintani ay tahay geeddi-socod soo bilowday xilligii madaxweynaha Joe Biden, isla markaana Maraykanku si fagaare ah u muujiyay rabitaankiisa ku aaddan xukunka tamarta ee caalamka.
Lavrov ayaa sidoo kale sheegay in Ruushka uu doonayo in la ixtiraamo, ma aha oo keliya kheyraadkiisa, balse sidoo kale doorkiisa caalamiga ah arrin uu sheegay in uusan hadda ka arkin Maraykanka.