Wasiir Smotrich Oo ka Hadlay Qorshaha Lagu Balaarinayo Xuduudaha Israel.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich, ayaa sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo inuu ballaariyo xuduudihiisa, isagoo tilmaamay dhulal ka tirsan Lubnaan, Suuriya iyo Gaza, hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu daah-furayay degaan cusub.

Smotrich ayaa si cad u xusay in aragtidan ay gaarsiisan tahay ilaa Webiga Litani iyo Buurta Hermon, isagoo ku dooday in tallaabooyinka noocaas ah ay yihiin kuwa keena ixtiraam gudaha deegaanka adag ee Bariga Dhexe.

Hadalka wasiirka ayaa xambaarsanaa fariin culus oo ku wajahan istaraatiijiyadda amni iyo siyaasadeed ee Israel, taasoo muujinaysa aragti ballaarin juqraafiyeed oo muran dhalin karta, xilli gobolka uu horeyba ugu jiray xaalad xasaasi ah oo kacsanaan siyaasadeed iyo mid militari.

Falanqeeyayaal ayaa u arka hadalkan mid sii hurin kara xiisadaha gobolka, maadaama uu taabanayo dhulal iyo xuduudo ay ku loolamaan dalal iyo dhinacyo kala duwan, isla markaana uu imaanayo xilli ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xakameynayo colaadaha soo noqnoqda.