Wasiirada Tamarta Ee Turkiga Iyo Somaliya Oo ka Wada-hadlay Arimo Muiim ah

by Heemaal News

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa shaaciyay inuu wada-hadallo kula yeeshay Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, xarunta Wasaaradda ee Ankara, ka hor booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda hadda ee barnaamijka sahminta hydrocarbons-ka (shidaalka iyo gaaska) ee Turkigu ka wado Soomaaliya, gaar ahaan dhulka iyo badda (onshore & offshore), iyo sidoo kale qorsheynta hawlgallada ee muddada soo socota.
Wasiir Bayraktar ayaa yiri:

“Anagoo ah Turkiga, Soomaaliya waxaan u aragnaa mid ka mid ah saaxiibbadeenna ugu muhiimsan ee Afrika. Waxaan aaminsanahay in iskaashigeenna dhanka hydrocarbons-ka, idamka Eebbe, uu dhowaan furi doono bog cusub oo mustaqbal leh.”

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.