Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Beeniyay War ay Baahisay Caawa Tvga Al-carabiya

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa | Jamhuuriyadda Somaliland | 26 Janaayo 2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay si cad u beeninaysaa wararka aan salka lahayn ee ay faafisay warbaahinta Al Arabiya, kuwaas oo sheegaya in ay jiraan ciidamo ku sugan magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in gobolka Awdal uu si buuxda ugu jiro gacanta iyo awoodda qaranimo ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aysan jirin wax ciidan ah oo ku sugan halkaas marka laga reebo Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa warbaahinta Al Arabiya inay si degdeg ah u saxdo wararka khaldan ee ay baahisay, isla markaana ay u hoggaansanto anshaxa iyo heerarka xirfadeed ee saxaafadda.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.