Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Oo si Adag U Dhaliilay Dalalka Khaliijka Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa si adag u dhaliilay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, isaga oo ku eedeeyay in aysan si cad uga hadlin weerarrada ay Maraykanka iyo Israa’iil sameeyeen.

Sergey Lavrov Wasiirka Arimaha Dibada ee Ruushka Ayaa Yiri “Doowladaha Khaliijku Waa Fulayo Mana Cambaareeynin Duqeeyntii Ardayda 170 ka Gabdhood Ahaa Lagu Xasuuqay Halkii Aay Cambaareeyn Lahaayeen Bedelkeedii Israel, Ayeeyba Qaramada Midoobay Ka Dhex Leeyihiin Iiraan Isma difaaci Karto..”

Lavrov ayaa sheegay in dalal badan oo Carbeed ay hore u sheegeen in xaaladda aan loo jiheyn xal milatari, isla markaana aysan oggolaan doonin in hawadooda loo adeegsado weerarro.

i kastaba, ayuu yiri, markii dagaalku dhab ahaantii billowday, dalalkaas inkastoo ay si joogto ah ugu baaqayeen Mareykanka iyo Israel ma aysan si cad u cambaareyn tallaabooyinka milatari ee ay qaadeen labadaas dal.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Oo si Adag Mar kale Uga Hadlay Weerarrada Iran

Nin la Dhashay Ra’isal-wasaare Natenyahu oo lagu Baqtiyay Duqaymaha Iran

Shacabka Iran Oo Iskugu soo-baxay Taageerada Hoggaamiyaha Ruuxiga Cusub ee Iran