Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan: Cidna kama faa’iidi Doonto haddii Weerar lagu Qaado dalka

by Heemaal
1 minutes read

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa maanta sheegay in dowladdiisu haysato caddeymo muujinaya in Mareykanka iyo Israa’iil ay si toos ah u farageliyeen bannaanbaxyada ka socda gudaha dalka, kuwaas oo uu sheegay inay hadda isu beddeleen falal argixiso.

Araqchi ayaa tilmaamay in hay’adda sirdoonka dibadda ee Israa’iil, Mossad, ay si dhow ula socotay dibadbaxyada, islamarkaana ay u jihaysay rabshado iyo qalalaase si ay xaaladda dalka u kicin karto. Wuxuu intaa ku daray in ujeeddada falalka noocaas ah ay tahay in Mareykanka lagu soo jiido dagaal ama weerar lagu qaado gudaha Iiraan.

“Waxaan caddeyn u haynaa in qorshayaashaasi aysan kaliya carqaladeyn doonin amniga gudaha, balse sidoo kale ay horseedi karaan xaalad halis ah oo saameyn ku yeelan karta gobolka oo dhan,” ayuu yiri Araqchi, isaga oo ku adkeeyay in Iiraan ay si adag uga jawaabi doonto haddii falal noocaas ah dhaca.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in haddii weerar laga fuliyo gudaha dalka, aysan cidna ka faa’iidi doonin, islamarkaana dowladda Iiraan ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo looga hortagayo halista amniga qaranka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka ay sii kordhayaan, iyadoo dibadbaxyada gudaha Iiraan ay sii xoogaysanayaan, halka beesha caalamka ay muujineyso walaac ku saabsan mustaqbalka xasilloonida gobolka.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.