Wasiirka Arrimaha dibeda China oo ka Baaqday Safarkii Maanta ee Muqdisho

by Heemaal
1 minutes read

Socdaalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ee maanta lagu waday inuu ku yimaado Muqdisho ayaa dib u dhacay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu u baaqday arrimo aan shaacin. booqashadiisana dib loo qorsheyn doono waqti dambe.

Illaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin si rasmi ah sababta baaqashada safarka, inkastoo uu jiray diyaargarow amni oo ay ka mid ahaayeen xiritaanka waddooyinka Muqdisho.

Shiinaha waxa uu ka mid yahay dalalka safka ka soo galay Waddamada ka hor yimid in la farageliyo Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dalkaan kursiga joogtada ah ka haysta Golaha ammaanka ayaa soo jeediyay in arrimaha Soomaalida aan la faragelin.

Wasiirka ayaa socdaal ku maraya sadex dal oo ay ku jirto Soomaaliya, isagoo soo dhameystay booqasho labo cisho qaadatay oo uu ku joogay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya halkaasoo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalkaas.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.