Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed, oo booqasho ku jooga dalka Kuwait, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Kuwait dhiggiisa Wasiirka Batroolka Kuwait Mudane Tareq Sulaiman Al-Ruumi.
Kulanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca horumarinta kheyraadka shidaalka. Waxay ka wada hadleen sidii dowladda Kuwait ay uga taageeri lahayd Soomaaliya dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha shidaalka, kor u qaadidda aqoonta iyo tayeynta shaqaalaha, iyo wadaagista khibradda dheer ee Kuwait u leedahay maareynta iyo soo saarista shidaalka.
Wasiir Tareq Sulaiman Al-Ruumi ayaa xaqiijiyey sida ay dowladda Kuwait uga go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto khibraddeeda iyo waayo-aragnimadeeda dhinaca horumarinta shidaalka, si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku soo jiidato maalgashi iyo iskaashi caalami ah oo lagu horumarinayo waaxda shidaalka iyo macdanta.




