Saturday, April 4, 2026

Wasiirka Difaaca Pakistan Oo si Adag ugu Hanjabay Dalka Hindiya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa si adag ugu hanjabay dalka Hindiya, isagoo sheegay hadii uu dagaal bilowdo in Pakistan ay ku eekaan doonin xuduudaha balse ay si daran u duqeyn doonto gudaha Hindiya.

Hanjabaada Pakistan ayaa timid waxyar uun kadib markii uu Wasiirka Difaaca Hindiya uu bixiyay digniin adag, isagoo uga digay Pakistan hadii ay qaado talaabo khaldan iney la kulmi doonto jawaab aysan waligeed horey u arag.

Tani maaha markii ugu horeysay ee labada Dal ee ku gaashaman hubka nukliyeerka ay hawada isku mariyaan hanjabaado adag, horey Safiirkii hore ee Pakistan u fadhiyay Hindiya ayaa sheegay hadii Pakistan lagu soo eego il qaloocda iney weerari doonto magaalooyinka waawayn ee Hindiya sida Delhi iyo Mumbai.