Wasiiro ka soo Xaadiray Shir looga Hadlaayay Dhismaha Amniga Qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo bandhigay guulaha iyo saameynta mashruucu ku yeeshay amniga dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in barnaamijkan uu door muuqda ka qaatay dhismaha iyo horumarinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka tobankii sano ee la soo dhaafay, isaga oo xusay in uu ka qeyb qaatay mideynta siyaasadaha amniga, xoojinta hay’adaha kala duwan, iyo kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha ciidammada.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey dowladda United Kingdom taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca. Wuxuu tilmaamay in taageeradaasi ay muujinayso sida ay UK uga go’an tahay taageeridda dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha dal nabdoon oo xasilloon.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, La-taliyaha Amniga Qaranka, Aweys Xaaji, iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, Charles King.

Barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka ayaa lagu tilmaamay mid laf-dhabar u ah dadaallada dib-u-dhiska hay’adaha amniga, xilli ay Soomaaliya waddo qorshayaal lagu xoojinayo nabadgelyada iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Related posts

Wasiirada A.dibadda Turkiga Iyo Shiinaha Oo ka Wada-hadlay Xaalada Cakiran Ee Bariga Dhexe

Dawlada Kenya Oo Heshiis Ganacsi Oo Muhiim ah la Saxiixatay Shiinaha

Dawlada Qatar Oo Xaqiijisay in Iran aysan Weerari Doonin kaabayaasha dhaqaalaheeda.