Heemaal News Network

Somaliya Oo ka Hadashay wararka Sheegaya inay Heshiis Dhinaca Badda ah la Galeyso Itoobiya

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta qaar si weyn u baahiyeen warar sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya heshiis dhinaca badda ah la galeyso dowladda Itoobiya, xilli labada dal uu xilligan ka dhax jiro khilaaf xooggan.

Heshiiskan oo dowladda Kenya ay garwadeenka ka tahay ayaa la sheegay in lagu qaboojinayo xiisada diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya , oo ka bilowday markii Itoobiya heshiis dhinaca badda ah la gashay Somaliland.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa si adag u beeniyay warka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay heshiis dhinaca badda ah oo xiisada lagu qaboojinayo la galeyso Itoobiya.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. “Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax-banaanideeda dhuleed. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka”

Warkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Kenya wado dedaalo xal loogu raadinayo xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana shalay Nairobi ku kulmay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo arrimo kala duwan ka hadlay.

Kenya ayaa horey ugu fashilantay isku day ay ku dooneysay in Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya isugu keento , si ay uga wada hadlaan xiisada diblumaasiyadeed ee ka dhax jira labada dal ee dariska ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Xukuumada Biixi Waxan Doneyno Hadii aan ka wayno Waan ka Go’aynaa..”Gudiga Odayada Gobalada Awdal & Salal

Heemaaln

Jaaliyadda Awdal Ee Mareykanka Oo Taageeray Go’aanka Xasan Sheekh ka Qaatay Damaca Itoobiya Ee Baddeenna.

Heemaal

Abiy inta Uu iska Riyooday Ayuu Nin Tuulo joogo ah M/Biixi Leeyahe Badda ii Saxiix”RW Xamse

Heemaaln