πππ«ππ’π±π’π§ππ ππππ₯ππππ ππ¦π§π’π π πππ₯π€π:
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay dhan kastba.
Wasiirku waxa uu ka war bixiyey xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku galay aqoonsiga kaddib. Wasiirku waxa uu adkeeyey baahida loo qabo xoojinta amniga gudaha iyo wada-shaqaynta Hayβadaha Dawladda iyo shacabka, isaga oo ugu baaqay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland in ay si mideysan uga hortagaan wax kasta oo wax u dhimi kara amniga iyo xasilloonida Qaranka JSL.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ka war bixiyey hab-sami-u-socodka qaadashada kaadhka aqoonsiga muwaadinka, iyo qorshaha socda ee lagu diyaarinayo aqoonsi buuxa oo sugan iyo ciqaamad rasmi ah oo loo sameeyo dadka ajaanibka ah.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa isaguna dhankiisa hoosta ka xarriiqay in ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo amniga dalku uu yahay waajib Qaran oo cid walba saaran Xukuumad iyo shacabkaba, isaga oo Xubnaha Golaha Wasiirrada ku adkeeyey in ay si buuxda ula shaqeyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Hayβadaha kale ee u xil saaran Amniga Qaranka.




