Kaddib burburintii difaaca hawada sare ee Isral, Taliyaha Ciidanka Hawada ee IRGC, Moosavi, ayaa sameeyey ballanqaad cusub. Taliyaha oo la hadlaya warbaahinta ayaa u sheegay, “Laga bilaabo maanta, gantaal qaraxiisu ka yaryahay hal tan lama ridi doono.”
Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray, “Mowjadaha gantaalada aan Isral ku ridi doono waa kordhi doonaan, waxaana sii ballaaran doona masaafada ay gaari karaan.”
Xalay oo Talabiib ay aragtay qaraxyadii ugu darnaa, korantadii ka dantay, lana beegtay guryaha madaxda Israal, wararka qaarna ay sheegayaan in Netanyahu walaalkiis la dilay, waxaa soo kordhaya qayladhaanta Trump iyo Netanyahu in la joojiyo dagaalka. Waxaa se ka sii daran qayladhaanta dhanka ganacsiga adduunka oo qarka u saaran in uu istaago shidaal la’aanta taagan darteed.
Si kastaba ha noqotee, Iran waxa ay si cad u sheegtay in aysan dagaalka joojin doonin illaa ay Mareykanka ka saarto Bariga Dhexe, lana helo dawlad Falastiin oo xor ah.