“Waxa aan si Toos ah u Daawanayaa Ciyaarta Finalka Ee Xiisaha leh..”Madaxwayne Ciro

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Waxa aan si toos ah u daawanayaa ciyaarta xiisaha leh ee dhex maraysa Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Militariga JSL iyo Kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa, kuwaas oo maanta ku kulmay ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Horyaallada, oo ka dhacaysa Caasimadda Berbera ee Gobolka Saaxil.

Waxa aan hambalyo hordhac ah u sii dirayaa labada kooxoodba, anniga oo rejaynaya in ay la yimaaddaan ciyaar wanaag, tartankooduna ka dhasho walaalnimo iyo is-ixtiraam buuxa. Ciyaaruhu waxa ay xoojiyaan midnimada, isdhexgalka bulshada, iyo kor u qaadista caafimaadka iyo hibada dhallinyarada.

Hambalyo hor-dhac ah ayaan u dirayaa kooxda koobka qaadi doonta, Insha Allah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.