Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo WHO, iyadoo la falanqeeyay dardargelinta helitaanka adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah, taageerada hooyada iyo dhallaanka, iyo horumarinta tababarka umulisooyinka si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee bulshada.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay doorka Soomaaliya ee Guddiga Fulinta ee WHO iyo sida ay fursadahaas uga qeyb qaadan karaan horumarinta nidaamka caafimaadka dalka, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan caqabado iyo xaalado nugul.
Wasiirka Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee WHO ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqaynta dhow iyo taageerada farsamo ee joogtada ah, si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka iyo adkeysiga nidaamka caafimaadka Soomaaliya. Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaya xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo WHO.