HNN: Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa uga digay Iran cawaaqib xumo culus haddii marin-biyoodka Hormuz aan la sii furnaan.
Qoraal uu Isniintii ku daabacay baraha bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in Maraykanku weerari karo ceelasha saliidda iyo warshadaha korontada ee Iran haddii aan heshiis la gaarin.
Horumar weyn ayaa la sameeyay, laakiin haddii heshiis aan si dhakhso ah loo gaarin, isla markaana marin-biyoodka Hormuz aan isla markiiba “ganacsi u furnaan”, waxaan soo afjari doonnaa “joogitaankeena” Iran annagoo qarxinayna oo si buuxda u burburinayna warshadahooda korontada, goobaha saliidda iyo jasiiradda Kharg, ayuu qoray.
Warshadaha nadiifinta biyaha badda (desalination) – kuwaas oo siiya biyo la cabo dad aad u badan oo reer Iran ah – ayuu ku xusay farriinta dhexdeeda, kadibna si gaar ah ayuu uga hadlay:
– Kuwas si ula kac ah uma taaban ilaa hadda, ayuu yiri Trump.
– Tani waxay noqon doontaa aargoosi ku aaddan askarteena badan iyo kuwa kale ee Iran ay dishay muddadii 47 sano ahayd ee nidaamkooda, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Wuxuu sheegay inay la hadlayaan “nidaam cusub”
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku wadahadallo la leeyahay waxa uu ugu yeeray “nidaam cusub oo ka caqli badan”, si loo soo afjaro dagaalka Maraykanka iyo Iran. Ma uusan faahfaahin cidda ay la hadlayaan.
Trump horey ayuu u sheegay in mid ka mid ah yoolalka dagaalka uu yahay in isbeddel xukun (regime change) laga sameeyo Iran.
Maraykanku marar badan ayuu sheegay inuu xiriir la sameeyay Iran, balse dowladda Iran way beenisay arrintaas.
Iran oo ka jawaabtay: – “Aan caqli gal ahayn”
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa sheegay inaysan jirin wax wadahadal toos ah oo dhacay.
– Marka hore, ma jirin wax wadahadal toos ah oo aan la yeelanay ilaa hadda, ayuu yiri, sida ay sheegtay Deutsche Welle.
Wuxuu qiray in Maraykanku xiriir sameeyay oo uu codsaday wadahadal, balse muu muujin wax kalsooni ah.
– Waxaan is weydiinayaa inta qof ee Maraykanka ah ee si dhab ah u qaata sheegashooyinka ku saabsan diblomaasiyadda Maraykanka, ayuu yiri.
– Mawqifka Iran wuxuu ahaa mid cad bilowgii, waxaana si fiican u ognahay qaabka wadahadallada. Waxa naga soo gaaray Maraykanka waxa ku jira dalabyo buunbuunin ah oo aan macquul ahayn, ayuu hadalkiisa ku daray.
Heemaal News Network