Wednesday, April 8, 2026

“Xabad joojintu Ma-aha Dhammaadka Dagaal..” Netanyahu Oo si Adag Uga Jawaabay Hanjabaada Iran.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Raysal wasaaraha Israel Netanyahu oo hada hadlay ayaa sheegay in Xabad joojintu aysan aheyn dhammaadka dagaal ee ay tahay dibu sixida Yoolasha Dagaal ee Huwanta, isagoo kajawaabaya fariimaha ka imaanaya Iran.

Netanyahu ayaa isaga oo hanjabaya wuxuuna yiri; “Iiraan maanta waa kuwo daciif ah, dal aad u daciif ah. Iskaashiga militari ee Maraykanka iyo Israa’iil ayaana door weyn ka ciyaaray daciifinta awoodda Iiraan.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in Isr||L ay mar kasta diyaar u tahay inay dib u bilowdo dagaalka Iiraan, isla markaana ay farteedu ku jirto keebka qoriga..

Dhinaca kale Wakaaladda Mehr ee Iiraan ayaa sheegtay Nidaamyada difaaca hawada ee magaalooyinka Isfahan, Kerman, Parand iyo Robat Karim la hawlgeliyey.