“Xabbad-joojintii kadib Israel waxay Dishay 254 Qqof oo Lubnaaniyiin ah..”Erdogan Oo si Adag Uga Hadlay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne Erdoğan ayaa si adag uga hadlay maanta duqaymaha arxan darada ah ee ay israel ku hayso shacabka Lubnaan, waxuuna xukuumada Nataniyahu ku tilmaamay mid caadeysatay dhiiga caruurta iyo haweenka aan waxba galabsay.

Erdogan oo arimahaasi ka hadlaya ayaa wuxuu yiri: Maalintii la shaaciyay xabbad-joojinta, Isr|| waxay si arxan darro ah u dishay 254 qof oo Lubnaaniyiin ah (Hadda waxay kor u dhaafeen 303).

Wuxuu ku sii daray “Shabakadda xasuuq wadareedka, oo ay indho-tirayaan dhiig iyo nacayb, waxay sii wadaa dilka carruur aan waxba galabsan, haween iyo dad rayid ah, iyadoo iska indho-tireysa dhammaan qiyamka aadanaha isla markaana aan aqoonsanayn wax sharciyo ama mabaadii ah.

Madaxweynaha Turkigu wuxuuu sheegay in taliska ISRL uu yahay talis aan tixgalineyn qiimaha bani aadamka, Isla markaana aan u hogaansameyn xeerarka iyo shuruucda midna.