Xanuun gaar u ahaa dadka gaboobay,oo hadda ku dhaca dadka aadka u isticmaala mobilka gacanta

Thumb arthritis waa xaalad ku badan dadka da’da sii gaboobaya. balse hadda waxaa ku soo biiray dadka aadka u isticmaala mobilka gacanta. Waxay dhacdaa marka carjawda (cartilage) oo daboola dhammaadka lafaha ku kulma salka suulka ay baaba’do. Carjawdu waa unug adag oo ilaaliya kala-goysyada kana caawiya lafaha inay si siman isu dul maraan. Kala-goyska salka suulka waxaa sidoo kale loo yaqaan carpometacarpal (CMC) joint.

Marka carjawdu xiranto, ama ay baa’bado, lafaha ayaa is xoqaya, taasoo keenta xanuun, barar iyo dhaqdhaqaaq yari.

Calaamadaha

  • Xanuun salka suulka ah, gaar ahaan marka wax la qabto ama la qabsado
  • Barar, adkaansho iyo xasaasiyad
  • Awood yar marka wax la qabsanayo
  • Dhaqdhaqaaq yaraanta suulka
  • Kala-goyska oo weynaada ama noqda lafo soo baxa (bone spurs)

Haddii xanuunka ama bararku sii jiro, waa muhiim in la arko dhakhtar.

Sababaha

  • Gabowga
  • Dhaawac hore oo suulka ah (jab ama murgacasho)
  • Xaalado hidde-side ah
  • Cuduro sida rheumatoid arthritis
  • Isticmaal fara badan oo suulka ah, sida isticmaalka mobilka.

Marka carjawdu baaba’do, dusha siman ayaa noqota mid qallafsan, lafahana way is xoqaan, taasoo dhaawac keenta.

Arrimaha Khatarta

  • In qofku dumar yahay
  • Da’da ka weyn 40 sano
  • Dhaawacyo hore
  • Shaqooyin ama hawlo culays saaraya suulka.

Sida Loo Ogaado

Dhakhtarku wuxuu baari doonaa suulka, wuxuuna fiirin doonaa barar ama burooyin. Haddii suulka la cadaadiyo oo la maqlo sanqadh xoqasho leh ama xanuun dhaco, waxay muujin kartaa in carjawdu xirato. Raajo (X-ray) ayaa badanaa xaqiijisa cudurka.

1. Daawo

  • Daawooyinka xanuun baabi’iyaha ee la mariyo maqaarka (sida diclofenac)
  • Daawooyinka aan warqad dhakhtar u baahnayn (acetaminophen, ibuprofen, naproxen)
  • Daawooyin dhakhtar qoro (celecoxib, tramadol)

2. Qabato (Splint)

Qabato ayaa lagu xirtaa si ay u taageerto kala-goyska loogana yareeyo dhaqdhaqaaqa. Waxay:

  • Yareysaa xanuunka
  • Dejisaa kala-goyska
  • Siisaa nasasho

3. Cirbad (Corticosteroid injection)

Haddii daawo iyo qabato ku filnaan waayaan, cirbad steroid ah ayaa lagu mudaa kala-goyska si loo yareeyo bararka iyo xanuunka.

4. Qalliinka

Haddii xaaladdu daran tahay, qalliinka ayaa loo baahan karaa, sida:

  • Isku-xiridda lafaha (joint fusion)
  • Saxidda lafaha (osteotomy)
  • Ka saarista lafta trapezium (trapeziectomy)
  • Beddelidda kala-goyska (joint replacement)

Kadib qalliinka, suulka iyo curcurka waxaa lagu xirtaa kab ama qabato muddo ilaa 8 toddobaad, waxaana laga yaabaa in la sameeyo jimicsi soo kabasho.

Is-daryeel Guriga

  • Isticmaal qalab fududeeya shaqada gacanta (furaha dhalooyinka, iwm.)
  • Saar baraf 5–15 daqiiqo dhowr jeer maalintii si loo yareeyo bararka
  • Adeegso kuleyl (sida suuf kulul ama paraffin wax) haddii uu kaa caawiyo xanuunka

 

Related posts

Cadaadis jidhku ku sameey dareemaha dhexe “carpal tunnel syndrome” iyo sida looga badbaado

Caabuqa ku dhaca cidiyaha, ogaanshihiisa iyo sida ugu fudud ee loo daawayn karo

Familial hypercholesterolemia (FH) waa xaalad hidde-side ah oo sababa in heerarka kolestaroolka dhiiga