Kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si qoto dheer loogaga hadlay arrimo la xiriira midnimada dalka, doorashooyinka iyo amniga.
Madaxweynaha ayaa kulanka ka jeediyey khudbad uu si gaar ah diiradda ugu saaray muhiimadda ay leedahay adkeynta midnimada qaranka iyo joojinta kala aragti duwanaanta wax u dhimi karta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda. Waxa uu si cad u sheegay in ay mamnuuc tahay in wasiirradu isku dhex jawaabaan baraha bulshada iyo warbaahinta, isaga oo ku tilmaamay arrintaas hab-dhaqan aan waafaqsanayn mas’uuliyadda dawladnimo.
Dhanka doorashooyinka, Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho ay shacabka si toos ah codkooda ugu dhiibanayaan, isaga oo tilmaamay in tallaabadii ugu horreysay ee arrintaas la xiriirta ay 25-kii December ka bilaabatay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirrada ku boorriyey in ay si wadajir ah u cambaareeyaan una xoojiyaan dadaallada looga hortagayo isku dayga ISR|L, oo uu sheegay in uu sameeyey xadgudub cad. Waxa uu adkeeyey in qof kasta oo mas’uul ah laga doonayo in uu doorkiisa ka qaato ilaalinta midnimada, sharciyadda iyo amniga dalka.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey adkeynta wada-shaqeynta Golaha Xukuumadda iyo ka go’naanshaha ilaalinta qaranimada iyo hannaanka dowladnimo ee dalka.