Xasan Sheekh Oo ka Qayb-galay Shirka Madaxda Africa Iyo Talyaaniga Oo Adis ka Qabsoomay

by Heemaal
1 minutes read

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Shir Madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika oo ay martigelisay Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya.

Shir madaxeedkan ayaa looga hadlayay xoojinta dadaallada iskaashiga iyo kobcinta xiriirka dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika, iyadoo wadahadalladu diiradda saarayaan ganacsiga, maalgashiga, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, iyo hal-abuurka

Afrika iyo Talyaaniga oo Addis Ababa ku shirey ayaa isla meel-dhigey in ay si dhow wada-shaqeeyaan.

Afrika waa qaaradda dhan ee keliya ee dal ahaan ula shirta dalalka Galbeedka & Carabta, Hadda waa Africa iyo Italy, waxa hore u qabsoomey Africa iyo China, Africa-France, Africa-Russia, Africa-Saudi, Africa-Turkey & qaar kale.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.