Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay odeyaasha dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha ayaa odeyaasha ku ammaanay doorka taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin hanuuninta bulshada, xalinta khilaafaadka iyo ilaalinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in midnimada, wada noolaanshaha iyo isku duubnidu ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo dowladnimo waarta, nabad iyo horumar.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in odeyaasha dhaqanku ay laf-dhabar u yihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, gaar ahaan xilligan ay dalka ka socdaan dadaallo lagu dhisayo maamullo dhameystiran oo ka hanaqaada rabitaanka shacabka. Waxa uu ku boorriyay inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan ka hortagga khilaafaadka iyo dhiirrigelinta wada shaqeyn bulsho.
Dhankooda, odeyaasha dhaqanka ee kulanka ka qeyb galay ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay dadaalka uu ku bixinayo dhismaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, iyagoo muujiyay dareen qaranimo iyo go’aan ay ugu taagan yihiin ilaalinta midnimada dalka. Odeyaashu waxay ballanqaadeen inay door firfircoon ka qaadan doonaan nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo taageeridda geeddi-socodka dowlad-dhiska, si loo xaqiijiyo xasillooni iyo horumar waara.
Kulankan ayaa qeyb ka ah wada-tashiyo uu Madaxweynaha la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo looga gol leeyahay xoojinta midnimada qaranka iyo hirgelinta dowladnimo ku dhisan wadashaqeyn iyo is-afgarad.


