Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa berri oo Jimce ah u baqoolaya magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku guddoomin doono fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC). Soomaaliya ayaa bishan Janaayo haysa xilka madaxtinimada wareegto ah ee golahaas.
Safarka Madaxweynaha oo qaadan doona afar maalmood, ayaa waxaa ku wehlinaya wefdi kooban oo ah 8 xubnood, waana markii ugu horreysay taariikhda ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu Guddoomiye ka noqdo shirka Golaha Ammaanka. Muddada uu joogo New York, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kulamo dooc ah la yeelan doonaa madaxda caalamka iyo hoggaanka sare ee Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Xasan oo maanta lagu waday inuu tago Addis Ababa ayaa weli u safrin Itoobiya, xogta safarkiisa kasoo kororta halkan ayaa kala socon doontaan.

