Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu wehliyo Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo ay haweenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku muujiyeen taageeradooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, nabadda, iyo dhismaha dowlad casri ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa si qoto dheer uga hadlay qorshaha dowladda ee ku aaddan hirgelinta doorashooyinka tooska ah, isaga oo tilmaamay in Koonfur Galbeed ay noqon doonto dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee dalka laga hirgeliyo nidaamka doorasho ee Qof iyo Cod.
“Waxaan ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee ah in ay si toos ah u doortaan hoggaankooda,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Dhankiisa, Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada ku nool Koonfur Galbeed in ay xoojiyaan wada noolaanshaha, is-ixtiraamka iyo taageerada geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay midnimo iyo iskaashi.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyey in aan wax dambi ah loo haysan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo ku baaqay in laga gudbo khilaafaadkii hore si loo dhiso mustaqbal mideysan oo ay wadaagaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.




