Xassan Sheekh Oo Shir ku Casuumay Golaha Mustaqalka Ee Mucaaridka Somaliya

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowlada Somalia ayaa casuumad rasmi ah u fidineysa xubnaha golaha mustaqbalka Somalia oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlada goboleedyada dalka ee ka horjeeda siyaasada Madaxweyne Xassan Shiikh.

Qoraal ka soo baxay xafiiska RW ayaa lagu sheegay in xukuumada oo ka duuleysa talo soo jeedinta Madaxweynaha dalka ay ku casuuntay golaha mustaqbalka iney ka soo qeyb galaan shir ka dhacaya Muqdisho 1-da bisha Febraayo.

Xukuumaddu waxay magacawday guddi wasiiro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali, si ay u diyaariyaan qabsoomidda shirka loona hubiyo hirgelinta ajandaha iyo guusha kulanka.

Talaabada Xukuumada qaaday ayaa ku soo beegantay xili 20ka bisha oo beri ku beegan tahay waqtigii kama dambeysta ahaa ee Golaha mustaqbalka Somalia u qabteen dowlada Somalia iney ku iclaamiso shir looga hadlayo arrimaha siyaasada iyo doorashooyinka xiliga kala guurka, maadaama muddo xileedka Xassan sheikh uu ka dhiman tahay muddo dhowr bilood ah.

Golaha mustaqbalka ayaa shirkii ay ku yeesheen Kismaayo bishii hore ku sheegay in hadii ilaa 20ka Janaayo ay DF ku iclaamin weyso shirka ay qaadi doonaan talaabooyin ay ku bilabayanaan doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Somalia.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XUKUUMADA

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.