Saturday, April 11, 2026

Xiisad cusub Oo ka dhex Qaraxday Turkiga iyo ISRL, kadib Eedeyn kasoo yeedhay Nataniyahu.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisal Wasaaraha ISRL ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Turkiga inuu laayay dadka Kurdida, hadalkan wuxuu ka cadhaysiiyay Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa ku tilmaamay Ra’iisal Wasaaraha ISRL inuu yahay “Hi*tleerka wakhtigan.” Wuxuu sheegay inuu Natanyahu yahay dambiile ay xukuntay Maxakamada Dambiyada Caalamiga ah (ICC), kaasoo geystay xasuuqyo ka dhana aadamaha.

Hakan Fidan wuxuu sheegay in masuuliyiinta ISRL ay beegsanayaan Erdogan iyagoo ku eedeynaya wax aan sal iyo raad toona lahayn.

Fidan, wuxuu sheegay in Turkigu uu sii wadi doono inuu garab istaago dadka rayidka ah, Isla markaana ka hortago dulmiga, wuxuuna dhanka kale wacad ku maray in Turkigu marnaba ka hadhi doonin inuu la xisaabtamo Natanyahu, wuxuuna ballanqaaday in Ankara sii xoojineyso dadaalada lagu doonayo in lagula xisaabtamo Ra’iisal Wasaaraha ISRL.

Dhanka kale masuuliyiin badan oo Turki ah ayaa ka jawaabay hadalka Natanyahu, kuwaa soo sheegay in Turkigu u dulqaadan doonin in Ra’iisal Wasaaraha ISRL oo ah dambiile uu ku xadgudubo sharafta Erdogan.