Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa si cad u muujiyay in caalamku wajahayo dhibaatooyin waaweyn oo isugu jira colaado hubeysan, isbeddel cimilo, saboolnimo, barakac ballaaran iyo khilaafaad siyaasadeed oo aan lagu xallin karin awood hal dowlad ama hal quwaddood oo keli ah.
Guterres wuxuu carrabka ku adkeeyay in xalalka waara ay ku imaan karaan oo keliya wadashaqeyn caalami ah, ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyo xoojinta doorka hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay, taasoo uu sheegay inay tahay madasha kaliya ee dunidu ku mideysan karto.
Inkasta oo uusan si toos ah u magacaabin, hadallada Guterres ayaa loo fasiray inay yihiin dhaliil dadban oo ku wajahan siyaasadaha Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo inta badan ku dhisnaa hal-dhinac, hoos u dhigista kaalinta hay’adaha caalamiga ah, iyo ka leexashada heshiisyo caalami ah oo muhiim ah.
Sidoo kale, Guterres wuxuu ka digay hindisaha loo yaqaan “Guddiga Nabadda”, kaas oo la rumeysan yahay in uu wiiqayo doorka Qaramada Midoobay ee xalinta khilaafaadka, isla markaana u wareejinaya go’aannada masiiriga ah kooxo kooban ama dalal awood leh, arrintaas oo keeni karta in la iska indho-tiro codka dalalka yaryar iyo kuwa nugul.
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ugu dambeyn adkeeyay in haddii dunidu u dhaqanto si kala go’an, ay sii kordhi doonaan colaadaha, kalsooni darrada, iyo xasillooni la’aanta caalamka, balse haddii la xoojiyo nidaamka wadajirka ah ee caalamiga ah, ay suurtagal tahay in xal loo helo dhibaatooyinka sii adkaanaya ee dunida maanta ka taagan.
Hadalladan ayaa imanaya xilli ay dunidu wajahayo isbeddello siyaasadeed oo degdeg ah, islamarkaana ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan mustaqbalka Qaramada Midoobay iyo kaalinta ay ku leedahay hoggaaminta nabadda iyo amniga caalamka.