Wednesday, April 8, 2026

Xsbulaaah Oo Hada soo Saartey War-saxaafadeed Afartan Qodob ka Kooban.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

– Waxay sheegeen in ISRL ay maanta geystay weeraro taxane ah, oo ay xasuuqday dad aan waxba galabsan, iyadoo weeraradaa ku bartilmaameedsatey deegaanada ay dadku ku badan yihiin ee ku yaala Koonfurta Lubnaan, agagaarka Caasimada Bayruud, Sidoon, iyo dooxada beeka, halkaasna ay ku gumaadeen caruur, haween iyo dad waayeela.

– Waxay sheegeen in ISRL markasta oo la jabiyo ay caado u leedahay iney ka aargoosato dadka rayidka ah oo ay weerarto goobaha rayidku ku badan yahay sida suuqyada iyo tukaamada xiliyada mashquulka badan.

– Waxay bayaankooda ku sheegeen in ficilada ISRL ay muujinayaan niyad jabka iyo guuldarooyinka soo gaadhay, Isla markaana ay la daala dhacayaan iska caabinta iyo adkeysiga dadka reer Lubnaan iyo reer Iiraan.

– Ugu dambeyn Xsbulaaah waxay sheegeen iney ka tagi doonin dhiiga iyo dhaawacyada shahadadooda, waxayna sheegeen iney xaq u leeyihiin iney is difaacaan oo ay si daran uga jawaabaan gumaadka ISLR.