Xukun Adag Oo Lagu Riday Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa.

Eedeysane Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) ayaa lagu Eedeeyay Tan iyo 2014 Inuu Ka tirsanaa Qeybta Dhagaraha Argagaxisada, Waxaa loo haytay Sahminta guryo Saraakiil daganaayen, Indho indheynta xarumaha Degmooyinka Xamar jajab iyo Xamarwayne, Gudbinta Xogo ku saabsan xarumaha lagu bixiyo ID ga NIRA Iyo Bixinta Macluumaadyo lagu beegsan lahaa Feeryahanada Soomaaliyeed ee Caanka ah Ramla Cali oo Dalkeeda soo booqatay.

Eedaysane Cabdulahi Cusmaan Maxamed, ayaa isna Lagu eedeeyay in uu dib ugu Laabtay aragaxisada oo horay uu uga tirsanaa, Islamarkaana Suuqa Bakaaro uu ku lahaa Ganacsi Qudaar oo gabbaad u aheyd, ayna ku kala warqaadan jireen isaga iyo Eedeysane Cabdisalaam.

Cabdullahi Cusmaan ayaa horay usoo dhameystay Xukun ay ku riday Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Eedaysane Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr oo Argagixisada kaga biiray Degmadda Qoryooleey 2015, ayaa Muqdisho yimid isagoo aan marin habraaca isa-soo dhiibista ee kuwa ka haray afkaarta Xagjirka.

Eedeysane Faadumo Cismaan Subeyr Cali ayaa loo heystay in Gabaadsiisay Eedeysaneyaasha kala ah Cabdisalaam iyo Cabdinaasir oo labaduba ay Waalid u tahay, iyadoona maalmo kadib u wareejisay Guri kiro ah oo ay leedahay Saxiibadeed Eedeysane Leylo Seef Faarax Axmed oo ay daris ahaayeen, kuna yaala Degmada Xamar jajab.

Faadumo ayaa iyadana Gurigeeda ka kireysay Eedeysane Cabdisalaam, iyaddoo aan la marin habraaca Kireynta Guryaha ee Hay’adaha amaanka iyo maamulka Gobolka.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ugu dambeyn maanta ku kala Xukumay.

1- Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) Toban sano oo Xabsi Argagaxiso ah.

2- Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr Labo sano oo Xabsi Argagaxiso ah.

3- Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo 4- Leylo Seef Faarax Axmed, ayaa Iyagana lagu xukumay Min Hal sano oo Ilku hayn Amni ah.

Halka 5- Cabdulahi Cusmaan Maxamed ayey Maxkamadu siisay Xorriyadiisa.

Related posts

Xoghayaha Dagaalka Mareykanka Oo Trump ka Hor-qiray In Awooda Iran la Jabin karin.

“Dalalka Carabta waa Inay Xoojiyaan Iskaashiga ISRL.”Taliye kuxigenka Booliska Dubai

Xoghayaha A.Dibadda Mareykanka Oo Sheegay In Shirka Bari Ee G7 Looga Hadlayo Dagaalka Iran