Xukumada Somaliya oo Ansixisey Sharciyo iyo Heshiisyo, Baaq-na ka dirtay Colaada Awdal

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xamsa Cabdi Barre, Kulankan ayaa lagu ansixiyey hindise-sharciyeedyo, heshiisyo iyo xeer-nidaamiyayaal muhiim u ah horumarinta hay’adaha dowladda, xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo dardargelinta kobaca dalka.

Sharciyada iyo heshiisyada la ansixiyey waxaa ka mid ah Hindise-Sharciyeedka Hey’adda Maamulka Garoommada Diyaaradaha Soomaaliyeed, Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka xilliyada howlgallada ciidan, iyo Hindise-Sharciyeedka La-dagaallanka Tahriibta iyo ka Ganacsiga Dadka.

Sidoo kale, Golaha ayaa meel mariyey xeer-nidaamiyaha Sharciga Shaqada Arrimaha Dibadda iyo heshiisyo caalami ah oo la xiriira badqabka socdaalka badda iyo ka hortagga wasakhowga saliidda.

Intaa waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Spain, kaas oo ku saabsan wadatashi siyaasadeed, iyo qaraar ku saabsan hirgelinta hannaanka tartanka furan ee dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo guulo ka gaaray howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, isla markaana xoreeyey deegaanno hor leh.

Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey Golaha dadaallada socda, iyagoo xusay in dhowaan la qorsheynayo howlgallo lagu ciribtirayo meelaha yar ee ay weli ku sugan yihiin kooxahaasi.

Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah u ammaanay shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed iyo caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Baydhabo, kuwaas oo si diirran u soo dhaweeyey ciidamada qaranka, Sidoo kale, waxaa la bogaadiyey habka mas’uuliyadda leh ee ciidamadu u maareeyeen furitaanka waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Dhanka kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq adag u dirtay dhinacyada ku dagaallamaya gobolka Awdal, iyada oo ugu baaqday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, lana qaato wadahadal iyo nabad.

Dowladda ayaa sidoo kale ugu baaqday Somaliland inay door hoggaamineed ka qaataan xallinta khilaafka iyo xasillinta xaaladda.

Ugu dambeyn, Xukuumaddu waxay ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanka iyo guud ahaan waxgaradka deegaanka inay ka shaqeeyaan daminta colaadda, isla markaana ay horseedaan xal waara oo lagu joojinayo iska horimaadyada soo noqnoqda.