HNN: Dalalka Khaliijka waxay ku boorinayaan Donald Trump inuu sii wado dagaalka ka dhanka ah Iran. Isla waqtigaasna, kumannaan askari oo Mareykan ah ayaa ku qulqulaya gobolka.
Xulafada Mareykanka ee Khaliijka, oo ay hoggaaminayaan Saudi Arabia iyo United Arab Emirates, ayaa ku doodaya Aqalka Cad hortiisa in nidaamka Tehraan uusan weli si ku filan u daciifin ka dib hal bil oo duqeyn ah, ayna tahay in dagaalka la sii wado.
Macluumaadkan waxaa bixiyay saraakiil ka tirsan Mareykanka, Israa’iil iyo dalalka Khaliijka oo aan loo oggolaan inay si rasmi ah u hadlaan, sida ay qortay Associated Press.
Saraakiil ka kala socota Saudi Arabia, UAE, Kuwait iyo Bahrain ayaa la sheegay inay si gaar ah u sheegeen inaysan rabin in hawlgallada milatari la joojiyo ilaa ay dhacaan isbeddello waaweyn oo ku yimaada hoggaanka Iran, ama isbeddel weyn oo ku yimaada siyaasadda dalkaas.
Arrintan waxay dhacaysaa iyadoo Trump mar uu sheegayo in hoggaanka Iran diyaar u yahay wada-hadal, marna uu ku hanjabayo inuu sii kordhin doono dagaalka haddii heshiis degdeg ah la gaari waayo.
Dagaalka ayaa ilaa hadda sababay dhimashada in ka badan 3000 oo qof, wuxuuna gilgilay dhaqaalaha adduunka.
Rabitaan duullaan dhulka ah
UAE ayaa u muuqata dalka ugu taageerada badan dagaalka ee Khaliijka, waxayna si xooggan u cadaadineysaa Trump inuu amar ku bixiyo duullaan dhulka ah. Imaaraatka ayaa la kulmay in ka badan 2300 weerar oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Iran ka timid tan iyo markii dagaalku bilowday.
Weeraradan ayaa khatar gelinaya sumcadda dalkaas oo ah xarun ganacsi iyo dalxiis oo ammaan ah oo Bariga Dhexe ku taalla.
– “Nidaam Iran ah oo gantaallo ballistic ah ku garaacaya guryaha rayidka, kana dhigaya ganacsiga caalamka hub, isla markaana taageera maleeshiyaad, ma aha mid la aqbali karo,” ayay qortay Noura Al Kaabi, oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee UAE.
– “Waxaan rabnaa dammaanad ah in tani mar dambe aysan dhicin,” ayay raacisay.
Kuwait iyo Bahrain ayaa sidoo kale taageeraya duullaan dhulka ah, halka Oman iyo Qatar oo caadi ahaan dhexdhexaadiya Iran iyo Reer Galbeedka ay doonayaan xal diblomaasiyadeed.
Saudi Arabia waxay ku doodaysaa in heshiis nabadeed oo hadda la gaaro uusan siin doonin amni ku filan dalalka Carabta ee deriska la ah Iran. Waxay dalbaneysaa in heshiis kasta:
- la baabi’iyo barnaamijka nukliyeerka Iran
- la burburiyo awoodda gantaallada ballistic
- la joojiyo taageerada maleeshiyaadka
- lana hubiyo in Iran aysan mustaqbalka xirin marinka Strait of Hormuz
Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman ayaa la sheegay inuu Aqalka Cad u sheegay in hub ka dhigista dheeraadka ah ee Iran ay faa’iido u tahay gobolka Khaliijka mustaqbalka fog.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa taageeray mowqifkan, isagoo Iran ku tilmaamay “dad diimeed xagjir ah oo aan loo oggolaan karin inay yeeshaan hub nukliyeer ah.”
– “Waxay leeyihiin aragti mustaqbal oo apokaliptik ah (burbur iyo halaag wayn) , deriskooduna way ogyihiin arrintan,” ayuu yiri.
Trump ayaa sidoo kale ammaanay Bahrain, Kuwait, Qatar, Saudi Arabia iyo UAE, isagoo ku tilmaamay inay muujiyeen “geesinimo”, halka Mohammed bin Salman uu ugu yeeray “dagaalyahan” iyo “nin cajiib ah”.
Kor u kac milatari
Iyadoo wada-hadalladu socdaan, joogitaanka milatari ayaa sii kordhaya. Kumannaan askari oo ka tirsan qaybta 82aad ee ciidamada cirka Mareykanka ayaa bilaabay inay gaaraan Bariga Dhexe, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo la hadlay Reuters.
Ciidamadan waxaa ku jira cutubyo hoggaan, taageero iyo hal guuto oo dagaal. Ilaa hadda go’aan lagama gaarin in ciidamo loo diro gudaha Iran, balse diyaargarowgan wuxuu kordhinayaa awoodda hawlgallada mustaqbalka.
Tan iyo markii hawlgalku bilowday 28-ka Febraayo, Mareykanku wuxuu weeraray in ka badan 11,000 oo bartilmaameed. In ka badan 300 askari oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay, 13 kalena waa la dilay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka.
Maamulka Trump ayaa ka fiirsanaya hawlgallo militari oo ka dhici kara gudaha Iran, oo ay ka mid tahay isku day lagu qabsanayo jasiiradda Kharg oo ah halka laga dhoofiyo 90% saliidda Iran. Weerar noocaas ah ayaa loo arkaa mid aad u khatar badan.
Trump ayaa sheegay in Mareykanku hadda wadahadallo kula jiro “nidaam ka macquulsan” si loo soo afjaro dagaalka, balse wuxuu ku hanjabay Iran in haddii aysan furin marinka Hormuz, ay la kulmi doonto weerarro lagu qaado ceelasha saliidda iyo warshadaha korontada. Wakhtiga kama dambaysta ah waa 6-da Abriil.
Heemaal News Network.