Afhayeenka Xuutiyiinta (Ansar Allah), Gaashaanle Sare Yaxya Sariic, oo la hadlay idaacadda “Sawt Al-Yaman” ayaa soo saaray hanjabaad cusub oo ku wajahan Maamulka Somaliland.
Gaashaanle Sare, Yaxya Sariic ayaa si adag u yiri: “Dhaqdhaqaaqa Ansarullah ee dalka Yemen waxay si aad ah ula socdaan qorshayaasha cadowga Yahuuda ee waqooyiga Soomaaliya, ee loo yaqaan Somaliland, Waxaan ugu digaynaa walaalaheenna Somaliland digniin tan ugu adag taasoo aan leenahay ka tanaasula qorshahan Yahuuda ee khatarta ku ah Gobolka Geeska Afrika waliba si deg deg ah, haddii kale waxaan ku khasbanaan doonnaa inaan qaadano duullaan kasta oo noo furan oo ay ku jiraan isticmaalka furan ee gantaalladayadda kuwooda dhexe ee ugu awoodda badan.”
Afhayeen Yaxya Sariic, ayaa waxaa kale oo uu hanjabaadiisa si gaar ah oo toos ah ugu jeediyay madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdi raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay wakiil cusub oo Israa’iil ah oo doonaya inuu dadkiisa iyo dalkiisa iibiy isagoo yiri “Somaliland waxay 35 sano ku noolayd Nabad iyo horumar ha u oggolaanina cadowga inuu burburiyo Somaliland”
Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisado siyaasadeed iyo amni ay ka sii kordhayaan Gobalka Geeska Afrika, kadib booqashada Gideon Sa’ar ee Somaliland iyo joogitaanka la xariira arrimaha Israa’iil iyo is-beddelladda cusub ee diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

