Yaman: STC Oo laga Qabsaday Dhul Badan Ogolaatayna Wadahadala Sacuudiga

by Heemaal
1 minutes read

Ciidamada dowladda Yaman ee taageerada ka helaya Sacuudiga ayaa dib u qabsaday gobollo muhiim ah oo ay ku jirto caasimadda gobolka Hadramoute ee Mukalla, oo ay horay u haysteen kooxda STC ee taageerada ka heli jirtay Imaaraatka. Guushan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidammada  xukuumadda Yaman ay weerareen gobollada Hadramout iyo al-Mahra, kuwaasoo xuduud la leh Sacuudiga.

Sarkaalka dowladda Yaman ka tirsan ayaa sheegay in 152 dagaalyahan oo ka tirsan STC ay dhaawacmeen, halka 130 kalena la qabtay. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in magaalada Seiyun ee Hadramout ay xaaladdeedu hadda soo hagaagayso, shaqooyinkuna dib u bilaabmeen.

STC ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan wada-xaajoodyo ay Sacuudigu ku martiqaaday, iyagoo rajeynaya inay ilaashadaan xuquuqda iyo rabitaanka dadka koonfurta. Si kastaba ha ahaatee, xiisad iyo khilaaf ayaa weli ka taagan gobolka koonfureed ee Yaman.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.