Madaxa Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen Rashad Mohammed Al‑Alimi ee dawladda Yemen ee sharciga ah dunidu aqoonsan tahay oo amray in dhammaan ciidammada Imaaraadka ay ka baxaan Yemen 24 saacadood gudahood, isla markaana ku dhawaaqay xaalad degdeg ah guud ahaan dalka laga bilaabo maanta, muddo 90 maalmood ah.
Rashad Mohammed Al-Alimi waxa uu sheegay in Imaaraadka ay ka rartay laba markab oo hub siday dekedda Fujairah, isla markaana ku soo dejisay dekedda Mukalla, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay kordhin khatar gelinaysa amniga gobollada Hadramut iyo Al-Mahra, isla markaana hurinaysa fitnooyin gudaha ah.
Wuxuu sheegay in doorka Imaaraadku uu noqday mid ka dhan ah Yemeniyiinta, isagoo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo Yemen dhaqan gelinayso muddo 90 maalmood ah, isla markaana lagu soo rogay xayiraad cir, bad iyo dhul ah dhammaan dekedaha iyo marinada dalka muddo 72 saacadood ah, kana dalbaday ciidammada Imaaraadka inay ka baxaan 24 saacadood gudahood.
Sidoo kale, Wakaaladda wararka Yemen ee SABA ayaa sheegtay in madaxweynaha goluhu ku dhawaaqay baabi’inta heshiiskii difaac wadaagga ee kala dhaxeeyay Yemen iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.

