Wasaaradda Beeraha, Kheyraadka Kalluumeysiga iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Yemen ayaa si kulul u cambaareysay tacaddiyada iyo xadgudubyada isdaba-joogga ah ee lagu hayo kalluumeysatada Yemen ee ka shaqeeya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo ay ku eedeysay ciidamada Eritrea iyo maamulka Puntland, iyadoo ku tilmaantay falalkaas jebin cad oo ka dhan ah shuruucda, axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo badaha.
Wasaaraddu waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Eritrea ay weerar hubeysan oo toos ah ku qaadeen kalluumeysato Yemen ah oo rayid ah, iyagoo isticmaalay hubka noocyadiisa kala duwan, xilli ay ku sugnaayeen biyaha xuduudda badda ee Jamhuuriyadda Yemen ee Badda Cas.
Weerarkaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sidoo kale in la xiray tiro kalluumeysato ah oo si qasab ah loo kaxeeyay.
Wasaaradda ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid khatar weyn ku ah amniga iyo badbaadada kalluumeysatada Yemen, isla markaana beegsaneysa nolol-maalmeedkooda iyo xaqooda sharci ee shaqo iyo nolol sharaf leh.
Waxay sidoo kale si adag u cambaareysay waxa ay ku tilmaantay xarig sharci-darro ah oo ay kula kacday Maamulka Puntland, gaar ahaan saraakiisha magaalada Boosaaso, halkaas oo kalluumeysato Yemen ah oo ka soo jeeda gobolka Xadramaawt lagu xiray xilli ay kalluumeysi ku jireen, lagana qaatay doonyahoodii, qalabkoodii iyo kalluunkii ay soo qabsadeen.
Wasaaradda Beeraha Yemen ayaa mas’uuliyadda buuxda ee dhinaca sharciga iyo bani’aadantinimada dusha ka saartay dowladda Eritrea iyo Puntland, iyadoo ka dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan kalluumeysatada la xiray, loo xaqiijiyo badbaadadooda, dib loogu soo celiyo dalkooda si nabad ah, isla markaana loo soo celiyo doonyahoodii, qalabkoodii iyo dhammaan wixii ay wateen iyada oo aan waxba laga dhimin, lana maxkamadeeyo cid kasta oo ku lug leh xadgudubyadan.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay, ururrada caalamiga ah, kuwa xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha bini’aadantinimada, iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso, inay gutaan waajibaadkooda sharci iyo mid akhlaaqeed, si cadna u cambaareeyaan falalkan, una dhaqaaqaan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo tacaddiyada ka dhanka ah kalluumeysatada Yemen, laguna xaqiijinayo ilaalintooda biyaha xuduudda iyo kuwa caalamiga ah.