“Yurub looma Caga Jugleyn karo.”Ra’iisul Wasaaraha Denmark Oo Trump Uga Digtay Greenland.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in “Yurub aan la cabsi gelin karin” kadib markii Trump uu ku hanjabay in uu canshuur saarayo siddeed ka mid ah xubinaha Nato arita la xiriirtaa Greenland.

Madaxwaynayaasha dalalka Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Netherland, Norway, Sweden iyo UK ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ka digay qorshaha Trump inuu khatar ku yahay hoos u dhac halis ah oo dhaca.

Siddeedda waddan waxay sheegayaan inay si adag u taageersan yihiin “mabaadi’da madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed” ee Greenland in kastoo ay jiraan hanjabaado canshuur oo 10% ah.

Dhanka kale, kumanaan qof ayaa ka mudaaharaaday qorshayaasha Trump ee Greenland iyo Denmark

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.