Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa ku casuumay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, inuu yimaado Kyiv si ay u wada hadlaan labada madaxweyne, isagoo yiri “waa haddii uu ku dhiirrado”.
Zelenskyy ayaa wariyeyaasha u sheegay Jimcihii inuu diyaar u yahay nooc kasta oo kulan ah, balse uusan tegi doonin Moscow ama Belarus, kadib casuumaad ka timid Kremlin ka.
Wuxuu sheegay in ay “suurtagal ahayn” inuu Putin kula kulmo Moscow, isaga oo intaa ku daray: “Taasi waxay la mid tahay in Putin lagu arko Kyiv. Aniguna waan ku casuumi karaa Kyiv, ha yimaado si cad ayaan u casuumay, haddii uu ku dhiirrado.”
Zelenskyy wuxuu ku eedeeyay Ruushka inuu yahay gardarroole dagaal ku haya Ukraine, halka Belarusna uu ku tilmaamay “la-hawlgalayaal”.
Kremlin ka ayaa Khamiistii sheegay in Ruushku mar kale casuumay hoggaamiyaha Ukraine wada hadallo nabadeed oo ka dhaca Moscow, balse aan wax jawaab ah laga helin.
Ukraine iyo Ruushka ayaa toddobaadkii hore ku yeeshay Abu Dhabi wada hadallo uu Mareykanku dhex dhexaadinayay, balse aysan wax natiijo ah kaso bixin tii oo ay jirto in ay ku madlan yihiin kulan kale maalinimada Axadda.