Danjire Abdelrahman ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Sudan markii dhibaatooyoinku ka dhaceen dalkaas, waxaana uu ballan qaaday in Suudaan ay xoojin doonto xiriirka walaalnimo ee labada dal ay wadaaggaan.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa walaalaha Suudaan uga mahad celiyey doorka ay ka qaateen waxbarashada dhallinyarada Soomaaliyeed xilligii adkaa ee dalkeennu soo maray, isaga oo xusay in Dowladda Soomaaliyeed garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Sudan, waxa uuna bogaadiyey dadaallada dib loogu soo celinayo deganaanshaha Suudaan, laguna xoojinayo midnimada iyo wadajirka ummadda reer Sudan
โ Dhammaad โ