Heemaal News Network

Ku dhowaad Boqol Qof Oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay..(Sawirro)

Tirada dhimashada booyad shidaal oo ku qaraxday bartamaha Nigeria ayaa gaartay 86 qof, sida ay sheegtay hay’adda gurmadka degdega ah ee dalkaasi Axadii.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Suleja ee gobolka Niger kadib markii shaqsiyaad isku dayay in ay shidaal ka soo wareejiyaan booyad shidaal oo shil ku gashay gaari kale loo adeegsaday matoor sababay iney qaraxdo

Wareejinta Shidaalka ayaa ka dhalatay qaraxa, waxaana ka dhashay dhimashada dadkii ku wareejinayay shidaalka iyo dad ag taagnaa.

Hussaini Isah oo ka tirsan Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee Qaranka ayaa u sheegay Associated Press in 55 qof oo dheeraad ah ay ku dhaawacmeen kuwaasoo lagu daweynayo saddex cisbitaal oo kala duwan oo ku yaala degaanka Suleja.

“Waxaa jiray dad dambas noqday. Sideen ku heli karnaa tiradaas? Sarkaalku wuxuu yiri, taas waxay muujineysa in dhimashadu ay ka badan karto 86. “Ma ogaan doonno tirada saxda ah iyada oo aan la helin baaritaanno.” ayuu intaas ku daray.

Qaraxa ayaa galaaftay dad aad u badan, sababtoo ah dad badan ayaa isugu soo baxay goobta, oo ay ku jiraan dad sawir qaadaya, dad goob joog ahaa, iyo kuwa kale oo isku dayayay in ay shidaal qaataan, ayuu yiri Isah.

Qiimaha shidaalka ee dalka ugu dadka badan Afrika ayaa kor u kacay ka dib markii maamulka Madaxweyne Bola Tinubu uu meesha ka saaray hoos u dhac ku yimid badeecada in ka badan hal sano ka hor.