Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Xoogga dalka G/lle Dhexe Xasan Saalax Cabdi ayaa ka qayb galay Munaasabadda xiritaanka carbiska militari ee JUSTIFIED ACCORD, kaasoo sanadkan lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya.
Carbiska, oo socday muddo dhowr maalmood ah, ayaa waxaa markii labaad ka qaybgalay Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS.
Justified Accord waa carbis heer caalami ah oo ay ka qayb galaan dalal kala duwan, si sare loogu qaado xirfadaha iyo awoodda iskaashi ee ciidamada kala duwan ee ka qeybgalaya.
Intii uu socday carbiska, Ciidanka XDS ayaa soo bandhigay dhoolatus cajiib ah, muujinayana xirfad sare, heegan iyo karti ciidan oo heer sare ah.
Ciidamada ka qeyb galay carbiska ayaa ka kala yimid Somalia, Kenya, Tanzania, Mareykanka iyo dalal kale, waxaana lagu qabtay saldhiga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay oo ku yaalla gobolka Lamu.