Heemaal News Network

50,000 Oo Qof oo ku Barakacay Dagaalo ka Socda Woqooyiga Ethiopia.

In ka badan 50,000 oo ruux ayaa ku barakacay isku dhacyada ka jira woqooyiga dalka Ethiopia, waxa ayna beesha caalamka ka muuujineysaa walaac xoogan oo ku saabsan rabshadaha ay qeybta ka yihiin dagaalada u dhaxeeya ciidanka iyo dagaal yahano ka soo jeedo gabalada dalkaas.

“Xaalada beni’aadinimo oo aad u daran ayaa jirta, kumanaan haween iyo carruur ayaa u baahan kaalmo deg-deg ah si loo badbaadiyo”, sidaa waxaa tiri Qaramada Midoobey, oo soo xiganeysa mas’uuliyinta deegaannda lagu muran-san yahay ee ay ee kala sheegtaan Tigreega iyo Amxarada ee dalkaasi.

Ciidanka Amxarada ayaa qabsaday Raya Alamata oo dhacda koofurta Tigrey intii uu socday dagaalka labada sano jirsaday ee u dhaxeeya ciidanka maamulka Abiy Axmed ee ay ku qaadeen maamulka Tigreega ee woqooyiga dalkaasi.

Wararka dhiilada dagaalka xambaarsan ee ka jira Ethiopian iyo xaaaladaha beni’aadinimo ayaa keentay in beesha Caalamka iyo safaradaha dhowr dal oo ku jiraan Mareykanka, UK, Japan iyo franca in ay ku baaqaan wadahdal deg-deg ah oo lagu yareynayo xiisadaha colaadeed si loo ilaaliyo dadka rayidka.