Heemaal News Network

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Goordhaw ka Furmay Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw si rasmi ah uga furmay xarunta Madaxtooyada dalka ee magaalada Muqdisho shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa daah furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxda ka qeyb galaysa ka mid ah Raysal wasaare Xame Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, madaxweynayaasha maamulada kala ah Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

“Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed iyo dhameystirka Dastuurka dalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkaan ka furmay Muqdisho ayaa waxaa ka maqan oo qaadacay kasoo qeyb galkiisa madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran aan kasoo qeyb gelin, kadib markii uu shaaca ka qaaday in kalsoonidii kala noqday hay’addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Shirkaan oo aan la shaacin mudada uu socon doono ayaa la filayaa gabagabadiisa in madaxda dowladda fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ay soo saaraan go’aano ay si weyn isha ugu wada hayaan dadka Soomaaliyeed.