Heemaal News Network

Madaxwayne Erdogan Oo Sharaxay Sababta Uu Turkigu U Taageero Xamaas.

Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta jeediyay hadal xiiso leh, markii uu bulshada Turkiga iyo dunidda u sharraxay sababto uu Turkiga u taageerrayo Xamaas oo marna aysan ka tagi doonin, wuxuu sheegay inay la socdaan waxa ay doonayso Israa’iil iyo sida uu ku fakarayo Netanyahu, isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yiri;

“ Ha u malayn Israa’iil inay ku joogsanayso Qasa… Haddii aan laga hortagin, waxay dejin doonaan himilooyinkooda
mar dhow ama fog, illaa ay ka qabsadaan dhulka Anatolia— Waa inaan ogaano in Xamaas ay tahay safka koowaad ee difaaca Anatolia… ”

Erdogan oo hadalka sii wata aa yiri:-“Haddaynaan iska celin dawladdan argagixisada ah waxa ay soo gaari doontaa xudduudaha Anatolia iyagoo ku riyoonaysa dhulkii ay ballan qaadeen inay qabsanayaan… Waan sii wadi doonnaa taageerada Xamaas, oo qaadaya dagaal ay ku difaacayso dhulkeeda, waana sii wadi doonnaa garab istaagga.”