Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’antahay in guud ahaan dalka laga ciribtiro kooxda Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaliyeed iyo guud ahaan Gobolka isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada saaxiibada caalamka ee ku aaddan gacan siinta arrimaha la xariira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Mikhail Golovanov ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida isku duubnida ah ee ay u wajaheen in ay dalkooda ka ciribtiraan kooxaha nabad diidka isaga oo sheegay in ay Ruushka ka go’antahay taageerada Soomaaliya