Heemaal News Network

RW Rishi Sunak Oo ku Dhawaaqay Xiliga ay Dhacayso Doorashada Guud Ee Dalka Britain

Rishi Sunak ayaa xaqiijiyay in doorashada guud la qaban doono 4 July, taas oo waqtigeedii laga soo hormariyay.

Rishi ayaa u sheegay dadweynaha dalkaasi in su’aashu hadda tahay ‘’sidee iyo qofkee ayaad aamin san tahay’’.

Waa waqtigii Britain ay go’aamin lahayd mustaqbalkeeda ayuu yiri, waa in aad go’aan ka gaartaa haddii aad dooneyso ‘’inaad dhisto mustaqbalka aad sameynayso, ama inaad khatar u gasho inaad ku laabato halkii hore.’’

Sunak waxa uu sheegay in dhaqaalaha UK uu wali kobcayo, sicir bararkuna uu halkaasii caadiga ahaa ku laabtay.

Waxa uu sheegay in dulsaarku hoos u dhacayo, qorshaha dawladdiisuna uu shaqeynayo.

Ra’isul Wasaaruhu waxa uu intaas ku daray in uu aqoon san yahay in xaaladduhu aanay u fududeyn dad badan xiligan.

Rishi Sunak ayaa ku faanay waxa ay dawladdiisu qabatay, isagoo sheegay in caruurta wadankaas ay u abuurtay mustaqbal ifiya.