Labada nin ee booliiska soo qabteen ayaa mid kamid ah waxa uu katirsan yahay ciidanka xoogga dalka waxaana magaciisa lagu sheegay D/le CXD C/laahi Mustaf Maxamed, halka ninka kalana magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Cali Ibraahim .
War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in raggan lasoo qabtay dhac iyo dhaawac labo muwaadin ugu geesteen degmada Garasbaaley taariikhdu marka ay aheyd 21-5-2024 .
Booliiska ayaana sheegay in burcadan hubeysan ee ciidamada qabteen la horgeyn doono caddaalad, si loogu qaado dambiga ay galeen, waxa ayna xuseen in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo shacabka dhibaateesa.