Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Algeria kusoo dhoweeyay Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka ee dalkaasi Mudane Zalem Zantar.
Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud oo shirkaasi ku matali doona guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu hor-geyn doonaa Ajendaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee la xiriira shirkaasi.