Laba askari ayaa ku dhintay kaddib markii ciidamada Masar iyo kuwa Israel ay rasaas isku weydaarsadeen xadka u dhow magaalada Rafax.
Waxaa sare u kacay xiisad ka dhextaagan Masar iyo Israel ilaa markii ciidamada Israel ay la wareegeen xukunka dhinaca Gaza ee halka laga galo Rafax saddax toddobaad ka hor.
Masar si weyn ayey u taageertaa Falastiin, waxay dhaleeceysay ololaha militeriga Israel ee Gaza kaas oo ay ku dhinten kumanyaal rayid ah.
Masar waa dalkii ugu horeeyay ee heshiis nabadeed la saxiixda Israel 45 sano ka hor balse labada dhinac xiriirkooda ma fiicneyn. Masar iyo Israel waxay sheegeen in ay baarayaan waxa dhacay