Heemaal News Network

Faahfaahinta:-Ninka Xaaskiisa Oo Xaamilo ahayd ku Gubay Muqdisho Iyo Booliiska Oo ka Hadlay.

Dhacdo argagax leh ayaa xalay ka dhacaday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ka dib markii nin uu xaaskiisa nolosha ku gubay.

Ninka oo lagu magacaabo Siid Cali Macallin Daa’uud ayay dadka deegaanka sheegeen inuu jirdilay xaaskiisa ka dibna uu qol ku soo soo xiray ka hor inta uusan dab qabadsiin guriga.

Gabadha la gubay oo lagu magacaabo Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa hadda waxaa lagula tacaalayaa qeybta xaaladaha culus ee isbitaalka Digfeer, sida uu BBC-da u sheegay Camaadi Sheekh Cabdiziiz oo ah walaalkeed.

“Walaashay Luul xaladdeedu waa mid culus. Hadda waxaa ay ku jirtaa koomo qeybta xaaladaha culus ee (ICU) isbitaalka Digfeer, dhaqaatiirta ayaana la tacaalaya” ayuu yir Camaadi.

Waxaa uu sheegay in ninka walaashiis dabka qabad siiyay ay is guursadeen muddo hadda laga joogo lix bilood, aysan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

“Inta aan ognahay waxaa ay ahaayeen lammaane isku faraxsan haddii uu jiri lahaa dhib aan ognahay waan xallin lahayn, ma garan karo waxa u qarsoon haddii uu jiro oo uu ka dhaxeeyay” ayuu hadalkiisa sii raaciayay.

Waxaa la sheegay in Siid Cali oo maseersan uu soo diyaarsaday baasiin iyo Jande-sigir ka dibna uu xaaskiisa ku soo xiray qolka, gaasna ku bilbilay oo uu sidaas ku gubay isagiina gaari u sii diyaarsanaa u uku baxsaday. Sida uu BBC-da u sheegay Gaashaanle Saadaq Doodishe.

Gaashaanle Doodishe ayaa ayaa sheegay in ciidamada booliiska ee degmada Dharkeynleey ay ku baxeen Falkaan markii ay soo wargaliyeen dadkii deriska la ahaa ama goob-joogeyaashii waxaana markii ugu horreysay awoodda ay saareen in hooyadaa la badbaadiyo.

“Ninka markii uu guriga yimid qolka ayuu gabadha ku xiray baasiin ayuu ku shubay kadibna dab ayuu qabad siiyay, caruur ay dashay iyo dariska ayaa soo badbaadiyay,xataa mid ka mid ah caruurta ayaa sidoo kale dhaawac lugta kasoo gaaray,” ayuu yiri Camaadi Sheekh Cabdicasiis oo Luul ay walaalo yihiin.

Markii la soo badbaadiyay hooyada la gubay ayaa waxaa xoogga la saaray sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysana falka geystay.

“Nasiib darro eedeeysanaha ayaa waxaa markii uu falka geystayba oo uu dabka bilaabanay ka baxsaday goobta welina gacanta laguma dhigin laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa in hawlgallo arrintaas u gaar ah magaalada ka socdaan meel-kasta oo laga heli karo.” Ayuu yiri Doodishe.

Luul ayaa horay u haysatay lix caruur ah oo ay u dhashay nin kale, ka hor inta aysan Siid Cali is guursan.

Gaashaanle Doodishe ayaa sheegay in dhacdada ay tahay mid xanuun badan oo damiirka dadka taabaneyso sababtoo ah ayuu yiri in “marwo hooyo ah, xaaskiiska ah, xaamilo ahayd dab loo isticmaalo marka wax si fudud aan u dhihi karno waxaas ayaa sabab u ah ma ahan waxaa dhigi kara dhakhaatiir ku takhasusutay cilmi nafsiga oo baari karta in waxaani ay dhimirka yihiin ama ay daroogo iyo muqaadaraad la xiriira yihiin waa wax baarista ku soo bixi doona, booliska ayaana hadda waada baaritaan la xiriira falkan.”

Waxa uu sheegay in sababta ay waxaan u dhaceen ay kala caddaan doonto marka eedeeysanaha la qabto oo baaritaan lagu sameeyo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Lataliye Cabdi Diirshe “Somaliya way Qaadacday Qodobadii ka soo Baxay Dalalka Bariga Afrika”.

Heemaaln

Dawlada Somaliya Oo Xabsiga Dhigtay Saraakiil & Askar ka Tirsan Ciidanka Xooga dalka.(Sawiro)

Heemaaln

Xildhibanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Heshiiska ku Biirista Urur Goboleedka EAC

Heemaaln