Kun iyo sagaal boqol iyo lixdameeyadii laga soo bilaabo Siyaasada Dalka Itoobiya waxaa ku hardamayay siyaasiyiin loo yaqaan Siyaasiyiinta Dhaqdhaqaaqii Ardayda (Student Movement). Waxay ahaayeen jiil cadiifadaysan oo kolna afkaaro siyaasadeed oo caalami ah sida Hanti-Wadaag iyo Hanti-Goosad la kala saftay, kolna aragtiyo Qowmi ah qadha iskaga saaray. Ilaa maanta saamaynta ay ku leeyihiin siyaasadda dalku ma dhamaan, inkasta oo ay sii diciifayaan.
Dhinaca Deegaanka Soomaalida, waxaa jiilkaa u dhigma siyaasiyiintii la kawsatay aasaaskii Deegaanka iyo Ururadii 14ka ahaa ee beelaha ku salaysnaa. Siyaasiyiintaas in badan oo kamid ah way hooydeen, in kale hawlgab ayay noqotay, in kalana wakhtiga iyo isbadalkiisa ayay aqbaleen oo danahooda ayay ku foofeen.
Waxaase wali sii galgalanaya in tiro yar oo wali aan ka ilbixin tabcooyinkii qabiil wax ku raadinta iyo xeryo ku meereeysiga. Reer Hebel baa waxaa xaq u leh, Reer Hebel waxaas xaq uma laha, Reer Hebel baa la neceb yahay, Reer Hebel jabkaasuu inala maagan yahay, waa xeeladaha mirdhay ee laakiin wali wax ay ku sii raadiyaan jiilkii ku ababay siyaasadda O iyo Leegaa is haya! Xitaa xili taknooloojoyadii, aqoontii, siyaasadihii dalka iyo kuwii duniduba si wayn isu badaleen, iyagu wali tabcooyinkii dulsaarnimada siyaasadda ee ay muddo badan dheef ka heleen kama ilbixin, mana badalin!
Qaloocaa inaga galay ababka siyaasadda ayaa ah caqabadda koowaad ee inaga hortaagan ilbixinta siyaasadda Deegaanka. Waana hawsha ay tahay in wakhti dhow laga gudbo si loo helo jiil aragti iyo afkaar wax ku raadiya, loogana baxo siyaasadda ku salaysan qabiil abaabulka iyo xeryo ku meereeysiga.